Feysal Cali Waraabe “Xasan Cali Kheyre Wuxuu Joojiyey Lacagahii Qoondada Somaliland”

0
503

Feysal Cali Waraabe “Xasan Cali Kheyre Wuxuu Joojiyey Lacagahii Qoondada Somaliland”

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay lacago dhawaan uu u fasaxay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble, taasi oo loogu talagalay in loogu gurmado shacabka ku hanti beelay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada hargeysa.

Faysal Cali Waraabe oo shir jiraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, oo uu sheegay in uu u fasaxay lacag ay xaq u lahaayeen, oo sida uu sheegay Muqdisho si sharci darro ah ugu xannibnayd.

Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdulaahi farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayuu ku eedeyay in lacagtaasi si sharci darro ah ku haysteen, waxaana haatan uu Rooble ku aammaanay sida uu doorka muhiimka ah uga qaatay gurmadka loo fidanayo shacabkii ay samameysay dhibaatadii ka dhacday Hargeysa.

Waxaa uu carrabka ku dhuftay in uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu u hiilliyay xilli ay u baahnaayeen hiil, isagoo yiri “ waa uu mahadsan yahay Rooble, waxaa uu noosoo daayay lacagteennii aan xaqa u lahayn”.

Hadalka Faysal ayaa imaanaya iyadoo RW Rooble uu amray in sida ugu dhaqsiyaha badan loo fasaxo, lacag ku dhaw 12 milyan oo Dollar, taasi oo ay dheertahay lacago kale oo xukuumaddu ku deeqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here