Khasaaraha Ka Dhashay Dabkii Ka Kacay Suuqa Ugu Weyn Ee Hargeysa Oo La Shaaciyey

0
528

Khasaaraha Ka Dhashay Dabkii Ka Kacay Suuqa Ugu Weyn Ee Hargeysa Oo La Shaaciyey

Duqa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland Cabdikariin Axmed Mooge ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha hantiyadeed ee uu geystay Dabkii habeen hore ka kacay Suuqa ugu weyn Hargeysa ee Waaheen, kaasi oo socday in ku dhow 24 saac.

Cabdikariin Mooge oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Dabka uu dhaliyey khasaaro aad u farabadan oo uu baabi’iyey hanti gaareeysa $1.5 Bilyan ilaa $2 Bilyan oo dollar oo ay lahaayeen dad Ganacsado oo goobo Ganacsi ku lahaa Suuqa gubtay.


HomeWarar
Khasaaraha Ka Dhashay Dabkii Ka Kacay Suuqa Ugu Weyn Ee Hargeysa Oo La Shaaciyey
On Apr 3, 2022 Last updated Apr 3, 2022

11
Duqa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland Cabdikariin Axmed Mooge ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha hantiyadeed ee uu geystay Dabkii habeen hore ka kacay Suuqa ugu weyn Hargeysa ee Waaheen, kaasi oo socday in ku dhow 24 saac.

Cabdikariin Mooge oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Dabka uu dhaliyey khasaaro aad u farabadan oo uu baabi’iyey hanti gaareeysa $1.5 Bilyan ilaa $2 Bilyan oo dollar oo ay lahaayeen dad Ganacsado oo goobo Ganacsi ku lahaa Suuqa gubtay.

RELATED POSTS
Waddooyinka Qaar Ee Magaalada Muqdisho Oo Xiran Iyo Ciidamo Lagu Arkayo

Apr 3, 2022
Dhageyso:-Warka Subaxnimo Ee Radio Dalsan 03/04/2022

Apr 3, 2022
Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 02/04/2022

Apr 2, 2022
Wuxuu sheegay in dadka ku hanti waayay dabka loo saameyn doono gurmadyo kala duwan, maadaama khasaaro hantiyadeed uu gaaray dadkaas oo ay ka gubteen goobihii ay ku gacacsan jireen ee ku yaallay Suuqa ugu weyn Magaalada Hargeysa ee Waaheen.

Sidoo kale Cabdikariin Mooge ayaa tilmaamay in olole nadaafadeed laga bilaabayo Suuqa gubtay, sidoo kalena waddooyinka la furayo, wuxuuna dabkii kacay ku sheegay inuu ahaa musiibo ay ku hanti waayeen Ganacsato aad u farabadan.

Dabka ka kacay Suuqa Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu socday in ku dhow 24 saac oo xiriir ah, isla markaana waxaa gurmadka lagu deminayey ka qeyb qaatay gaadiid dab demis ah oo gurmad ahaa dowlad deegaanka Soomaalida ugu soo direen Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here