Turkiga Oo War Kasoo Saaray Weerarkii Al-shabaab Ku Qaaday Garoonka Aadan Cadde.

0
569

Turkiga Oo War Kasoo Saaray Weerarkii Al-shabaab Ku Qaaday Garoonka Aadan Cadde.

Dowladda Turkiga ayaa si adeg u Cambaareeysay weerarkii Al-shabaab maalintii shalay aheyd ku qaadeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde gaar ahaan qeybta xigta dhinaca Afisyooni, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin weerarka lagu qaaday Garoonka Aadan Cadde oo ay ku dhinteen 7 Askari oo ka tirsan Ciidanka amniga, sidoo kalena ay jiraan dad waxyeelo kale soo gaartay.

Turkiga ayaa tacsi u direy dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee saaxiibada iyo walaalaha ah, iyagoona Caafimaad deg-deg ah u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay dagaalka iyo weerarkii ka dhacay Garoonka gaar ahaan qeybta xigta dhinaca Afisyooni.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkaas argagaxisada ah, waxaana tacsi tiiraanyo leh u direynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee saaxiibada iyo walaalaha ah, waxaana u rajeyneynaa in Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, kuwii ku dhaawacmayna uu caafimaad degdeg ah siiyo” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Ugu dambeyntii Dowladda Turkiga ayaa tilmaamtay inay si dhab ah u sii wadi doonaan garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira waa loogu yeero argagixisada.

Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkii shalay dhacay ayaa sheegtay inay weerarka ka dhacay Xerada Xalane ay ku dileen dhowr ruux oo isugu jira cadaan iyo Afrikaan, sidoo kalena dab qabadsiiyeen qeybo ka mid ah xerada oo ah Saldhiga ugu weyn ee Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Muqdisho, ayna degan yihiin Safaaraddo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here