Akhriso: Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Baladweyne + Sawirro

0
383

Akhriso: Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Baladweyne + Sawirro

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay Qaraxyo is xig-xigay oo Is-miidaamin ahaa oo fiidnimadii xalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsaneyd Baarlamaankii 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxa koowaad oo uu fuliyay isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarxa ah ayaa waxaa lala beegsaday Xildhibaan Aamina Maxamed oo lagu dilay qaraxaas, xili ay dhex socotay gudaha xerada lama galaay oo ay degan yihiin Madaxda ugu sarreeysa Hirshabeelle.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay  qaraxa oo soo gaaray Aamina, Askar ilaalo u aheyd iyo dad kale oo shacab ah oo goobta ka agdhawaa, waxaana inta uu socday gurmadka dadka waxyeelada soo gaartay, mar kalena meel ku dhow isla goobta laga maqlay qarax kale oo Is-miidaamin ahaa, uuna fuliyay qof miineysay.

Qaraxa labaad ayaa si gaar ah uga dhacay kasoo horjeeda Saldhiga Baladweyne, isla markaana waxaa qaraxyada la xaqiijiyay inay ku dhinteen in ka badan 25 qof oo ay ku jireen Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo ahaa Musharax Xildhibaan, siyaasiyiin, Askar iyo dad kale ayaana qaraxyada ku dhintay.

Sidoo kale Dad ku dhow 30 qof ayaa  la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana dadkaas ku jiro Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xukuumadda Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, kuwaasi  oo la geeyay Xarumo Caafimaad, si loogu dabiibo xaaladdooda Caafimaad.

Sawirro laga soo qaaday goobta ay qaraxyada ka dhaceen ayaa muujinayay burburka dhismayaal farabadan, iyadoona ay xusid mudan tahay in qaraxayada kadib Magaalada Baladweyne ay ka dentay gebi ahaan korontada, sidoo kalena xaalada ay noqotay mid Jahwareer ah, maadaama qaraxyo iyo rasaas farabadan la maqlay.

Weli ma jirto wax faah faahin ah oo ay qaraxyada ka bixiyeen laamaha amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in qofka isku  qarxiyey Xildhibaan Aamina Maxamed uu xirnaa dharka Ciidanka dowladda, kaasi oo ku booday Xildhibaanada oo mar kale aheyd Musharax Xildhibaan oo u tartameysay kursiga ay ku fadhiday, iyadoona maalmihii lasoo dhaafay waday olole xoogan oo doorasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here