Tuesday, September 22, 2026
Home WARAR Madaxweynaha Hirshabeelle oo hey’adaha amniga faray inay baaritaan dhab ku sameeyaan qaraxyadii...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo hey’adaha amniga faray inay baaritaan dhab ku sameeyaan qaraxyadii ka dhacay Beledweyne.

0
590

Madaxweynaha Hirshabeelle oo hey’adaha amniga faray inay baaritaan dhab ku sameeyaan qaraxyadii ka dhacay Beledweyne.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa aad u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay afaafka hore Madaxtooyada magaaalada Beledweyne oo ay ku geeriyoodeen Allaha u naxariistee Xilibaan Aamino Maxamed Cabdi, Xilibaan hore Cali Cabdi Dhuxul, Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.

“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadowga argagixisada ah ay marwalba qorsheeyaan xasuuqa dadka waxgalka u ah bulshada lagama maarmaana ay tahay in meel looga soo wada jeesto” ayaa lagu yiri war qoraal ah ka soo baxay madaxtooyada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay ehellada iyo qaraabada dadkii ku nafwaayay weerarkii xalay, waxaana alle uga baryay in naxariistii janno uu ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxa uu alle u waydiiyay caafimaad deg deg ah.

ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray hay’addaha amniga in baaris deg deg ku sameeyaan falkii xalay ka dacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here