Faah Faahin: Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Oo Lala Beegsaday Qarax Khasaaro Dhaliyey

0
360

Faah Faahin: Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Oo Lala Beegsaday Qarax Khasaaro Dhaliyey.

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa waxaa qarax xoogan lagula beegsaday duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Qaraxa oo ahaa miino nuuca dhulka la geliyo ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa kolonyada Ciidamada AMISOM lagula eegtay duleedka Balcad, xili halkaas socdaal ay ku marayeen Ciidamada oo kusii jeeday Magaalada Jowhar.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray Ciidanka AMIOSM, waxaana ku dhintay goobta lix Askari oo Burundeys, halka saddex kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in Ciidamo ka tirsan AMISOM oo watay kolonyo ay qarax kula beegsadeen duleedka Balcda, isla markaana ay ku dileen 6 Askari, uuna burburay gaariga uu qaraxu qabsaday.

Si kastaba Al-shabaab ayaa inta badan weeraro qaraxyo iyo kuwa toos ah la beegsata, xiliyada ay wadooyinka ku socdaalayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana horey u dhacay weerar kala duwan oo khasaaro dhaliyey…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here