Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo Maanta safar ku tagaya Ukraine & Ruushka.

0
221

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo Maanta safar ku tagaya Ukraine & Ruushka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa maanta lagu wadaa in uu safar ku tago Waddamada Ukraine & Ruushka oo xiisadda ka dhaxeysa cirka isku sii shareertay si uu u raadiyo xal Xabad-joojin ah oo Ankara gar-wadeyn ka nqoto.

Diblumaasiyiin katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa xaqiijiyay in dedaallada uu wado Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu gogol-xaar u yahay Mevlut Cavusoglu oo marka hore qaabilaya Volodymyr Zelenskyy & Vlamir Putin.

Dhanka kale, Duullaanka Ruushka uu muddo u hub uruursanayay in uu ku qaado Ukraine ayaa billawday 24-kii Febaraayo 2022, dagaalkaas waxaa ka dhashay Dhimasho, dhaawac, Barakac, Go’doon, Burbur iyo xaalado bani aadamnimo.

Waddamada u xabad-tumay Ukraine ayaa kusoo koobmay afka oo keliya in ay kula dagaalamaan Ruushka, waxaa go’doon galay Magaalooyin ay ugu weyn tahay Caasimadda Dalkaas ee Kyiv oo culeyska ugu badan Moscow uu saaran yahay.

Xayiraad dhaqaale, cambaareyn & caga-jugleyn waddamo badan ay ku sameeyeen Ruushka ma joojin gantaallada culus ee uu ku garaacayo Magaalooyinka Ukraine iyo ciidanka lugta ee hubeysan oo kusii siqiya Dhulka Ukraine.

Dhacdadadii ugu dambeysay ee la diiwaangeliyay ayaa ah Dad gabbaad ka dhiganayay Tiyaatar ayaa gantaallo lagu garaacay, dhismaha dumay waxaa ka hoos maray Dadkii door-biday in ay naftooda ku badbaadsadaan sida ay sheegtay Dowladda Ukraine.

Muwaadiniinta Ukraine ayaa noqday Qaxooti firxaday oo ay kala qaybsadeen Waddamada Yurub si ay dib u dejin ugu sameeyaan, waxaa burburay Dhismihii muddo dheer Xukuumadda Kyiv ku faaneysay, Goobaha Waxbarashada, Caafimaadka & meelo kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here