Isimadda Gobolka Mudug oo diiday in Deni ay kala hadlaan doorashada #Hop198 & #Hop199.

0
387

Isimadda Gobolka Mudug oo diiday in Deni ay kala hadlaan doorashada #Hop198 & #Hop199.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa muddo todobaad ka badan waxaa uu kulamo goosgoos ah Madaxtooyada kula lahaa Odayaasha dhaqanka gobolka Mudug oo ka biya diiday qaabka uu u wajahayo kuraasta #Hop198 iyo #Hop199.

Isimada oo uu horboodayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa ganafka ku dhuftay Hannaanka loo wajahayo Doorashada labadaas kursi gaar ahaan liiska Odayaasha Dhaqanka iyo Ergada la shaaciyay oo ay ku tilmaameen waxba kama jiraan.

Madaxweyne Deni ayaa dhowrjeer kulamo laqaatay Odayaasha, labada dhinac ayaana mid walba miiska soo saaray dooddiisa, Isimada ayaana fagarayaal ka sheegay ineysan aqbalayn in kuraasatn cid gaar ah loo xiro iyagoo ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland inuu u xusulduubayo faragalinta kuraastan.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa marar badan isku dayay inuu dhexdhexaadiyo dhinacyada balse xaalka waxba iskama badalin oo dhan walba halkiisii ayuu ku adkeystay, karaashna dadaalkiisii wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay.

Ila xog ogaal ah ayaa Mustaqbal u xaqiiyay in Siciid Deni uu dalbaday la kulanka Isimada Mudug uuna ku gacan sayray Islaan Bashiir Islaan Cabdulle isagoo Musharrixiinta Beesha kuraastaan leh ugu baaqay in aysan ka qayb-gelin Doorashada lagu wado in ay qabsoonto maalinta jimcaha waxaana ay qorsheynayaan iney shir jaraa’id ku qabtaan Garoowe islamarkaana go’aan rasmi ah ka soo saaraan doorashada ay Garoowe ku qabanayaa Guddiga doorashada Puntland.

#HOP199 waxaa u sharaxan Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur oo la rumaysanyahay  inuu taageero ka helayo Madaxweynaha Puntland oo aan wali iba furin olo’olihiisa uu ku doonayo Madaxtinimada Dalka, halka #HOP198 uu u cadcadyahay Cismaan Dheere oo ah Agaasimaha Wasaaradda Duulista HawadaPuntland , Isimada Gobolka Mudug ayaana xoogga saaraya sidii loo furi lahaa tartanka kuraastaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here