Ciidamada Ruushka Oo Duqeyn Ku Dilay Hooyo Umul Ah

0
679

Ciidamada Ruushka Oo Duqeyn Ku Dilay Hooyo Umul Ah

Haweeney umul ah iyo canugeedii ayaa dhintay kadib markii Ruushka uu duqeeyay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Mariupol halkaas oo ay hooyadu u tegtay inay kusoo umusho, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Muuqaallo iyo sawirro la baahiyay kadib weerarka ayaa muujinayay, haweeneyda oo ku jiifta sariirta isbitaalka, waana mid kamid ah khasaarihii ugu weynaa ee ka dhacay Ukraine.

Sida laga soo xigtay AP, hooyada ayaa qalliin ku dhashay canuga Sabtidii balse dhakhaatiirta ayaa xaqiijiyay in hooyada iyo canugeeda ay dhinteen.

Saraakiisha Ruushka ayaa ku andacooday in isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Mariupol ay la wareegeen kooxo xagjiriin ah oo saldhig ka dhigtay halkaas isla markaana isbitaalka uusan hadda u shaqeyneynin sida goob caafimaad.

Saraakiisha Ukraine ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay hadalka Ruushka, waxay ku eedeeyeen Ruushka in uu galay dambi dagaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here