Al-Shabaab Iyo Ciidamada Jubbaland Oo Ku Dagaalamay Gobolka Jubbada Hoose

0
744

Al-Shabaab Iyo Ciidamada Jubbaland Oo Ku Dagaalamay Gobolka Jubbada Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dagaalamayasha Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanno dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo, ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ahna caasimadda Ku meel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Al-Shabaab ay weerareen saldhigo ay Ciidanka Jubbaland ku leeyihiih halkaasi, waxaana dhacay dagaal toos ah oo labada dhinac u dhexeeya.

Saraakiisha Ciidanka Jubbaland wax war ah kama soo saarin dagaalkaasi, marka laga tago Al-Shabaab oo baraha ku hadla afkooda ku baahiyay dagaalkasi, waxaana ay sheegeen in weerareen dhowr saldhig, sidoo kalena ay fuliyeen weeraro jid gal ah.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Baarka, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ku dagaalama degaanada maamulkaasi, waxaana horay Gobolkaasi uga dhacay weeraro toos oo labada dhinac u dhexeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here