Maraykanka Oo $200 Milyan Oo Saanad Militari Ah Ugu Deeqaya Ukraine

0
476

Maraykanka Oo $200 Milyan Oo Saanad Militari Ah Ugu Deeqaya Ukraine.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Sabtidii amar ku bixiyay in $200 milyan oo dheeri ah oo qalab milateri ah oo la siiyo Ukraine, xilli Ruushku uu ballaariyay duqeymaha uu ku hayo goobaha rayidka.

Biden waxa uu hore 26-kii February maamulkiisa ugu amray in uu Ukraine siiyo $350 milyan oo hub kaydka Mareykanka ah sida uu dhigayo sharciga gargaarka dibadda.

Codsiyada quusta ah ee uu jeedinayo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ee ku aaddan gargaarka milatari ayaa kor u kacay dhowaan, isagoo marar badan ku booriyay Washington, Midowga Yurub iyo NATO inay dalkiisa ka caawiyaan dhinaca difaaca.

Qoraal uu u diray xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken, Biden waxa uu amray in “ilaa 200 oo milyan oo doolar oo agabka difaaca ah iyo adeegyada ah ay Wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagonku gargaar ahaan ugu dirto Ukraine.”

Ruushka ayaa Sabtidii ka digay in ciidamadoodu ay bartilmaameedsan karaan gargaarka hubka ah ee reer galbeedku Ukraine siinayo, isaga ku gooddiyay in ay bartimaameedsan doonaan kolonyada hubkaasi daabbuleysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here