WAR DEG DEG AH : Faransiiska oo Hub & Saanad Militari u diray Ukraine.

0
264

WAR DEG DEG AH : Faransiiska oo Hub & Saanad Militari u diray Ukraine.

Dowladda Faransiiska ayaa dhiggeeda Ukraine u dirtay Diyaarado Militari oo wada Hub iyo Agab Ciidan si Xukuumadda Kyiv ay ugu adeegsato iska caabbinta Ciidamada Ruushka ee Duullaanka xooggan ku qaaday Dalkaas.

Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in uu dalbanayo isbaheysi ballaaran oo lagu awood dhimo Ruushka si loo yareeyo damaca ciidamada Moscow ee ah in ay burburiso Kyiv si burbur uu u galo maamulka Talada haya.

Emmanuel Macron Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy uu ka dalbaday Hub iyo saanad kale oo xoojinaya Ciidamada dagaalka kala horjeeda kuwa Ruushka ee duullaanka qaaday.

“Maalin Cusub ayaa billaabatay, Isbaheysiga Dagaalka ka dhanka ah ayaa shaqeynaya” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo qoraalkaan soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

 

Ruushka ayaa u goodiyay Dalalka daneynaya in ay garabsiiyaan Ukraine waxa uu sheegay in uu cagta marin dooni, taasi waxa ay niyad-jab ku ridday Xukuumadda Kyiv oo u aragta waddamada garab istaagga u muujinayay kahor dagaalka in ay uga baxeen ballanqaadkoodii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here