Dagaalka Dalka Ukraine Oo Gaaray Caasimadda Kiev Iyo Ruushka Oo La Wareegay Magaalo Muhiim Ah+Wararkii Ugu Dambeeyay

0
277

Dagaalka Dalka Ukraine Oo Gaaray Caasimadda Kiev Iyo Ruushka Oo La Wareegay Magaalo Muhiim Ah+Wararkii Ugu Dambeeyay.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda dalka Ukraine ayaa sheega in ciidamada Ruushka ay si buuxda ula wareegeen magaalada Melitopol oo dhacda gobolka koonfurta Ukraine ee Zaporizhzhya.

Wakaaladaha wararka Ruushka ee Interfax iyo Sputnik ayaa baahiyey qabsashada magaaladaas, iyagoo soo xiganaya wasaaradda gaashaandhigga Ruushka. Melitopol waa magaalo weyn, waxaana u dhow dekedda ugu muhiimsan Ukraine ee Mariupol.

Dhanka kale gudaha Ruushka waxaa ka bilaawday banaan-baxyo looga soo hor jeedo duulaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, booliska magaalada Moscow ayaa xirxiray inta badan dadkii ku mudaharaadayey dowladda.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ku sii fidaayo waddooyinka  muhiimka ah ee caasimadda.

Warbaahinta  ku sugan Ukraine, gaar ahaan kuwa Caasimadda ku sugan ayaa ayaa sheegaya in dagaalka uu ka qarxay waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda, qaarkood waxay sheegayaan in rasaas xooggan laga maqlayo bartamaha magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here