Ciidamada Ruushka oo galay Kyiv & Ukraine oo Wada  hadal ugu Baaqday Ruushka

0
460

Ciidamada Ruushka oo galay Kyiv & Ukraine oo Wada  hadal ugu Baaqday Ruushka

Magaalada Kyiv oo ah Caasimadda Ukraine waxaa gudaha u galay Militariga Ruushka ee dagaalka xooggan kula jiray Ciidamada Dowladdaas in ka badan 30 saac. Muuqaallo la duubay waxaa kasoo dhex muuqday Taangiyada Ruushka iyo Ciidan lugeynaya Xaafadaha qaar.

Ciidamada Ruushka ayaa dhowr jiho ka weeraray Kyiv waxa ay taasi sababtay in ciidamada Ukraine ee kaashanaya Dadka hubka u qaaday difaaca Dalkooda ay awoodi waayeen dib u celinta Ciidanka Moscow.

 

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa xaqiijisay in Ciidamadooda ay gudaha u galeen Magaalada Kyiv kaddib markii ay ka tallaabeen mid kamid ah Degmooyinka Deegaankaas oo saacadihii lasoo dhaafay ay joogeen.

Ciidamada Ruushka ayaa burburiyay Kaamirooyinka waddooyinka ku yaalla si aanay loola socan dhaqdhaqaaqooda maadaama ay ka feejigan yihiin weeraro jabhadeyn ah oo ay ku qaadaan ciidamadii ay iska soo horjeedeen saacadaha badan.

Qof kamid ah Dadka Deegaanka ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Ciidamada ay isku ballaariyeen Xaafadaha Magaalada Kyiv xili dad qaar ee ku haray Guryahooda ay ka cabsi qabaan weeraro xooggan oo ka dhaca Caasimadda Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo garab ka waayay isbaheysiga Mareykanka uu ugu tunka weyn yahay iyo dalalka kale ee Yurub ayaa Ruushka dalbaday Xabad-joojin si loo yareeyo khasaaraha dagaalka.

Xoghayaha Gaashaandhigga UK Bell Wallance oo duugaya niyad-jabka kasoo gaaray duullaanka Ruushka ayaa sheegay in Moscow uusoo gaaray Khasaare dhimasho oo dhan 450 oo askari oo ku geeriyooday dagaal sida uu ku yiri Wareysi uu Radio 4.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here