Nin Lagu Tuhunsan Yahay Dilkii Mareykanka Loogu Geystay Imaam Maxamed Oo La Qabtay

0
260

Nin Lagu Tuhunsan Yahay Dilkii Mareykanka Loogu Geystay Imaam Maxamed Oo La Qabtay.

Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu qabtay, xabsina loo taxaabay nin la sheegay in uu yahay qofkii dilka toogashadda u geystay Imaam Sheekh Dr. Maxamed Xasan Aadan.

Nin oo magaciisa lagu sheegay John W. Wooden Jr. ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dilka uu u geystay Imam Dr. Maxamed Xasan Aadan.

Sidda warqada dacwada lagu soo oogay ku qoran, ninkan Sheekha dilay waa qof danbiyo hore soo galay oo xabsi ka soo baxay bishi March 2021, isaga oo xabsi soo dhammaystay.

Sheekh Maxamed oo la waayey bisha December 23, 2021 markii uu todobadii habeenimo uu ka tagay Masaajidka uu Imamka iyo Sheekha ka ahaa ayaa maydkiisa oo baabuur ku jira ay heleen dad Soomali ah oo kamid ah dadkii ka qayb qaatay gurmadka baadi goobka Sheekha lagu raadinayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here