137 qof oo Ukaraine looga dilay dagaalka shalay ilaa Maanta

0
283

137 qof oo Ukaraine looga dilay dagaalka shalay ilaa Maanta

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenesky ayaa sheegay weerarka uu Ruushka maalinti shalay ahayd uu ku soo qaaday in lagu dilay ugu yaraan 137.

madaxweynuhu wuxuu sheegay dadkaasi iney isugu jiraan askar iyo dad rayad ah.

Caasimadda Kyiv waxaa hadda laga maqlayaa qaraxyo xooggan oo ka dhashay duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Ruushka magaaladaasi ka wadaan.

Ruushkana wuxuu sheegay inuu burburiyey diyaarado dagaal iyo taangiyo ay Ukraine leedahay. Halka Ukraine dhankeeda ay sheegtay iney diyaarado dagaal uu Ruushka leeyahay ay caasimadda ku soo ridday.

Baraha bulshadana waxaa si weyn loogu baahiyey muuqaallo muujinaya qaraxyada dhacaya iyo burburka duqeynta ka dhalatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here