Putin: Jawaab aan soo daahin ayaan siin doonnaa ciddii iskudayda inay na hor istaagto

0
321

Putin: Jawaab aan soo daahin ayaan siin doonnaa ciddii iskudayda inay na hor istaagto
Mar sii horreysay, madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin oo ciidammadiisa ay weerareen Ukriane ayaa reer galbeedka u diray diginin adag.

Isagoo si toos ah uga hadlayay talefishinka dalkiisa, ayaa waxa uu sheegay in jawaabta uu dalkiisa ay noqon doonto mid deg deg ah haddii la isku daya in la horistaaga howlgalka uu dalkiisa uu ka billaabay Ukraine.

Waxaa loo qaatay inay fariintaasi ku socotay dalalka reer galbeedka o ilaa iyo hadda Moscow ku soo rogay cunaqabateyno adag, kuwa kalana ballan qaaday.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inuu kulan la yeelan doono hogaamiyayaasha G7 maanta o Khamiis ah, isagoo ku hanjabay in cunaqabateyn adag la dul dhigi doono Ruushka.

Ra’iisal wasaaraha UK, Boris Johnson ayaa isugu yeeray golihiisa wasiirada kulan deg deg ah si ay uga arrinsadaan jawaabta ay UK ka bixin lahayd arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here