Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo fasaxay Natiijada kursiga Fahad Yaasiin Kusoo Baxay

0
257

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo fasaxay Natiijada kursiga Fahad Yaasiin Kusoo Baxay

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa fasaxay natiijada kursi Taliyihii Hore ee NISA ahna la taliyaha Amniga Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin) kaas uu hakiyay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.

Fahad Yaasiin ayaa waxaa loo doortay kursigaan 20 Febraayo 2022 kaas oo doorashadiisa ay ka dhacday magaalada Baladweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Xaanshiyaha ka soo baxday Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Maxamed Cawil Warsame ayuu ku sheegay habka loo maray doorashada kursigaan ay tahay mid saxan ka gadaal markii uu la tashtay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Hirshabeelle la shaqeynayay.

Fasaxindda natiijada kursigaan ayaa imaaneysa maalin ka dib doorashada kursigaan 21 Febraayo 2022 uu Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf uu ku dhawaaqay inay hakiyeen Natiijada kursiga uu ku soo baxay Fahad Yaasiin.

Guddoomiyaha Geelle ayaa ku sheegay doorashada kursigaan in aan loo marin habraacii loogu talo galay doorashada kursiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here