Madaxayne Deni & Isimada Bari oo kawada hadlaya Xaaladda Boosaaso.

0
286

Madaxayne Deni & Isimada Bari oo kawada hadlaya Xaaladda Boosaaso.

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari kulamo kula qaadanaya Isimada Gobolkaas si xal looga gaaro xiisadda kala dhaxeysa Maxamuud Cismaan Diyaaro Agaasimaha diiday in uu wareejiyo hoggaaminta PSF.

Deni ayaa kulanka ka codsaday Isimada oo dhankooda aqbalay si loosoo afjaro xaaladda ka dhalatay dagaalkii December 2021 Boosaaso ku dhexmaray Ciidamo fulinayay amarkiisa & kan Agaasimaha diiday xil ka qaadista uu ku sameeyay ee Maxamuud Cismaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhaqangeliyay mid kamid ah soo jeedinta Isimada oo ahayd in gacanta Maamulka Dekedda Boosaaso laga saaro Shirkadda P&O ee hoostagta isutagga Imaaraatka Carabta oo ugu dambeyn aqbalay.

Isimada ayaa sidoo kale soo jeediyay in Maxamuud Diyaano loo daayo xilka agaasimaha, gaadiidka iyo ciidanka gaarka u tababaran ee PSF oo ay u arkeen xalka nabadda Boosaaso balse Deni ayaa saluugsan waana tan keentay in uu fadhi ka dalbado.

Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimada Gobolka Bari ayaa dood ka leh in wax ka baddel lagu sameeyo qodobada qaar ee kusoo baxay warmurtiyeedkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here