Maxamed Bin Salmaan oo Munaasabad u qabtay aasaasihii Sacuudiga.

0
517

Maxamed Bin Salmaan oo Munaasabad u qabtay aasaasihii Sacuudiga.

Maxamed Bin Salmaan, Amiirka Sacuudiga ahna Dhaxal-sugaha Boqortooyada ayaa qabtay munaasad markii ugu horreysay taariikhda Dalkaas lagu maamuusay aasaasihii qoyska isku koobay maamulka dalkaas.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa lagu marti-qaaday munaasabadda oo ka dhacday Magaalada Diriyah oo Waqooyi Galbeed uga beegan Riyadh oo ah Caasimadda Dalkaas, waa goobtii Maxamed Bin Sacuud uu talada kula wareegay.

Bandhigga waxaa qayb ka ahaa cayaaro kala duwan oo gaar u ah Dalkaas, Heeso iyo Muusik weliba iyaga oo goobjoog ay ka ahaayeen culimada ugu magaca weyn Sacuudiga sida Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh iyo Culimo kale.

Waa qayb kamid ah dhaqan-rogga ku socda Sacuudiga ee uu sababta u yahay Amiirka Dalkaas ahna dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan oo furfuray go’aamo badan oo muddo dheer adkaa.

Sida ay daabacday Wakaalada Wararka Reuters oo soo xiganeysa mas’uuliyiin kala duwan, Munaasabadda waxaa lagu casuumay dad gaaraya 3,500 ruux oo aan waxba ka baddeli Karin sida wax loo maamusay ama loo qorsheeyay Munaasabaddaan.

Bulluleeryo ayaa mar qura la riday, Diyaaradaha nooca duulliye la’aanta (Drones) oo goobta lagu soo bandhigay, Dhawaqyo kala duwan ayaa goobta is qabsaday inta lagu guda jiray munaasabadda xuska aasaasaha Sacuudiga loo qabtay.

Magaca Sacuudi Carabiya waxaa la bixiyay sanadkii 1932dii, maamulka waxaa isku baddela dhasha aasaasaha, waxa ay isku koobeen gacan ku heynta awoodda sare ee dalkaas iyo hay’adaha kala duwan ee muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here