Baladweyne: Qof isku soo xiray Walxaha Qarxa ayaa geystay Khasaara kala duwan.

0
329

Baladweyne: Qof isku soo xiray Walxaha Qarxa ayaa geystay Khasaara kala duwan.

Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay Qarax uu fuliyay qof isku soo xiray Walxaha Qarxa, waxa uu sababay dhimasho, Dhaawac & burbur hanti sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Qaraxa waxa uu si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa Xarunta Lama-galaay & Buundada Liiq-Liiqato oo martigelisay kulamada looga hadlayo Amniga Baladweyne, Doorashooyinka iyo kuwa xalka loogu raadinayo khilaafaadka siyaasadeed.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray waddooyinka ka dhaw goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana la qaaday Dad dhaawacyo kala duwan soo gaaray balse lama sheegin inta ay gaarsiisan yahay tiradooda maadaama howsha gurmadka ah lagu mashquulsan yahay.

Sarkaal katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Mustaqbal u sheegay in ilaa haatan la xaqiijiyay dhimashada qofka is qarxiyay balse dadka kale ee waxyeellada gaartay dib laga soo gudbin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here