G7 oo Ruushka kala hadlaya xal u helista Xiisadda kala dhaxeysa Ukraine.

0
476

G7 oo Ruushka kala hadlaya xal u helista Xiisadda kala dhaxeysa Ukraine.

Dalalka ku bahoobay Guruurka 7aad ee (G7) ee kala ah: Canada, France, Germany, Italy, Japan, Ingiriiska, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa ku ballamay in Ruushka ay kala hadlay wadahadal guntiisu yahay xal u helista Xiisadda todobaadyada ka taagan xadka Ukraine.

Waddamadaan ayaa xalka ugu habboon ee lagu soo afjari karo xiisadda Yurub gilgishay ay tahay in wadahadal siyaasadeed lala yeesho Ruushka si looga dhaadhiciyo joojinta abaabulka ciidan uu wado oo cabsi wadnaha farta lagu dhalisay ay beertay.

Dalalkaan oo intooda badan garabsiinaya Ukraine ayaa ku guuldareystay ina dhaqdhaqaaqoodu uu cabsi geliyo Moscow si Xukuumadda Ruushka ay u joojiso Ciidamada boqolaalka kun ah ay dhigtay xadka iyo bandhigga awoodda ciidan ay ku sameysay Belarus.

Mareykanka iyo Faransiiska ayaa laba bogleynaya, mar waxa ay eedeyn u jeedinayaan Ruushka iyaga oo muujinaya in ay garab u yihiin Ukraine halka mararka qaar ay dalbanayaan in laga wada hadlo xiisaddaan halista ka dhalan karta haddii la is fara-saaro.

Washington ayaa codsatay in markale wadahadal la sameyso Moscow, Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka Sergei Shoigu ayaa maanta xiriir la sameynaya dhiggiisa Mareykanka Lloyd Austin si ay uga wada-xaajoodaan daminta xiisaddaan sida ay daabacday wakaaladda Wararka Interfax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here