Sheekada Farxaddii Arooska Ee Tacsiyada Iyo Tiiraanyada Isku Baddeshay

0
428

Sheekada Farxaddii Arooska Ee Tacsiyada Iyo Tiiraanyada Isku Baddeshay

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay ka dib markii ay ceel ku dhaceen xilli ay socotay xaflad aroos oo ka dhacday gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga Hindiya.

Booliska ayaa sheegay in dhibbanayaasha oo u badnaa haween iyo caruur ay ku dul taagnaayeen saqaf bir ah oo ceel lagu daboolay , balse markii dambe uu culeuskoodii sababay inay u go’do birtii, sidaasna ceelka ugu dhacaan.

Labo ruux oo kale ayaa ku dhaawacantay shilkan oo ka dhacay degmada Kushingar.

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid “maroora dilaac leh”.

Shilkan ayaa dhacay fiidnimadii Arbacada xilli ay socotay xaflad aroosdhaqameed, gaar ahaan iyadoo gabadha la guursanayay wajigeeda lagu dhajinayay koollo astaan ​​u ah barwaaqada.

Markii uu dadka ku dumay saqafka ceelka, ayaa martidii xafladda ka soo qayb-gashay waxay u gurmadeen dadka dhintay, waxaana la geeyey cusbitaal ka ag dhawaa, halkaas oo 11 qof markiiba la xaqiijiyey inay dhinteen, ka hor inta aan la shaacin laba qof oo kale ay gadaal ka dhinteen, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay booliska.

Yogi Adityanath, oo ah madaxa Uttar Pradesh, ayaa ugu baaqay maamulka maxalliga ah inay gurmad u fidiyaan qoysaska dhibanayaasha, sidoo kale garsooraha degmada Rajlingam ayaa shaaca ka qaaday inay heli doonaan magdhow.
Dhawaanahaan waxaa soo badanayay dhacdooyinka la xiriira shilalka ceelka iyadoo u dambeysay dhacdada wiil 9 sano jir ah oo muddo saddex maalmood ah ku xayiran ceel ku yaalla tuulo fog oo ku taalla koonfurta Afgaanistaan.

Muuqaal la soo dhigay baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ayaa muujiyay wiilka, Xaydar, oo gudaha hoose ugu jira ceelka, hasayeeshee weli waxa uu dhaqaajinayaa gacmaha iyo jirkiisa kore.

Muuqaalka ayaa waxaa laga dhex maqli karaa sheeko dhexmaraysa wiilka yar ee ceelka guntiisa ku jira iyo aabihii oo ceelka dul taagan.

Waxaa ka sii horreeysay musiibadii Rayaan ee laba toddobaad ka hor taas oo horseedday in malaayiin qof oo daafaha caalamka kala joogo ay dadka reer Morooko murugada la qeybsadaan.

Rayan Saalim, oo shan jir ahaa, waxa uu ku ciyaarayay meel u dhow ceelka oo qodan 30 mitir, ka hor inta uusan ku dhicin.
Warka ku saabsan geerida Rayan waxa uu lama filaan ku noqday dadka isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan dalalka Carabta, kuwaasoo arrintiisa si dhow ula socday horumarka laga sameeyay howlgalka badbaadinta, rajona ka qabay inuu noolaan doono.

Waxaa sidoo kale jiray dhacdooyin dhowr ah oo la xiriira shilalka ceelka waxaana ka mid ahaa dhacdo Bishii July ee sanadkii 2020-kii, ka dhacday Jasiiradda Bali ee dalka Indonesia, ka dib markii nin dhallinyaro ah oo u dhashay Britain, laguna magacaabo Jacob Roberts, uu ku dhacay ceel xilli uu ka baxsanayay ey eryanayay.

Dhirirka ceelkan wuxuu ahaa afar mitir, balse Roberts ayay lugta ka jabtay markii uu ku dhacay godka, sidaas awgeedna ma uusan kasoo bixi karin halkaas oo uu ku xayirnaa muddo lix maalmood ah.

Ninkan oo 29 jr ahaa markaas ayaa isticmaalay biyo yar oo uu ka helay ceelka salkiisa, kuwaasoo uu ku noolaa muddadaas.

Si nasiib ah ayay lo’ ku timid meel u dhow ceelka si ay caws uga daaqdo, ninkii lahaa ayaana halkaas yimid isagoo raadsanaya neefka. Roberts ayaa marka uu shanqarta maqlay qeyliyay ilaa inta uu ninkii xoolo dhaqatada ka maqlay, durbadiina waa la badbaadiyay.

Shaqaalaha gurmadka ayaa geedo lugta uga xiray ka hor inta aan loo qaadin isbitaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here