Nin Ku Eedeysan Inuu Jaceylka Dartiis Gabar Soomaali Ah U Dilay Oo Maxkamad Lasoo Taagay

0
484

Nin Ku Eedeysan Inuu Jaceylka Dartiis Gabar Soomaali Ah U Dilay Oo Maxkamad Lasoo Taagay

Waxaa Maanta Maxkamad ku taalla Magaalada Kuala Lambur ee waddanka Malaysia lasoo taagay Nin u dhashay Ciraaq oo ku eedeysan dilka gabar Soomaali ah oo toddobaadkan gudihiisa loogu geystay dalkaas.

Amal Maxamed Saciid oo ah qunsulka Safaaradda dowladda Soomaaliya ku leedahay Malaysia ayaa VOA-da u sheegtay in lasoo gaba-gabeeyay dhageysiga qeybta hore ee kiiska dacwada Ninka Ciraaqiga ah ee dilay Dahabo Cumar oo aheyd gabar Soomaali ah.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia ayaa sheegtay in 9-ka bisha May Maxkamadeynta Ninka Ciraaqiga ah ee dilay Dahabo Cumar loo gudbin doono Maxkamadda sare ee dalkaas, si ay Go’aan uga gaarto kiiska dilka gabadha.

Dhageysiga Dacwada ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Ehelada gabadha Soomaalida ah ee la dilay, taasi oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar oo Maanta lagu lagu aasi doono qabuuro ku yaalla Magaalada Kuala Lambur.

Nin u dhashay dalka Ciraaq kuna noolaa dalka Malaysia ayaa dilay gabarta Soomaaliyeed Dahabo Cumar, kaddib markii gabadha ay ninkaasi ka diiday xiriir jaceyl iyo mid guur uu usoo bandhigtay, iyagoona iskala shaqeyn jiray hal goob oo maqaayad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here