Taliyaasha Booliska & Miletariga Dalka Jabuuti oo Xabsi guri la dhigay ka gadaal markii looga shakiyay Afgembi.

0
263

Taliyaasha Booliska & Miletariga Dalka Jabuuti oo Xabsi guri la dhigay ka gadaal markii looga shakiyay Afgembi.

Wararka aan ka heleyno Dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Saraakiisha ugu sarreysa Ciidamada Jabuuti in Xabsi guri la dhigay, ayaga oo loo diiday dhaqdhaqaayada ay sameenayaan Saraakiishaan.

Taliyayaashii Ciidamada Booliska Dalka Jabuuti Jen, Zakariye Sheekh Ibraahim iyo Taliyaha Milateriga Ciidanka Jabuuti Korneyl, Cabdilaahi C Faarax ayaa xabsi guri laga dhigay, sida ay cadeynayaan warar madax banaan oo ay heshay Mustaqbal.

Ciidamada Nabadsigidda Dalka Jabuuti & kuwa ilaalada Madaxtooyada ayaa la dul dhigay saraakiishaan guryaha ay ka deganyihiin De Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jabuuti.

Madaxtooyada Jabuuti ayaa uga shakisay Saraakiishan inay wadaan Afgambi Miletari kaas oo ay ku qabsan rabanaa Dalka, Saraakiishan qaarkood ayaa dhawaan kasoo laabtay meel ka baxsan Jabuuti, taas oo shaki ku abuurtay.

Tan ayaa ku soo aadeysa ka dib markii Bangiga dhexe ee Jabuuti lagala baxay Malaayiin Dollar, taas oo galaafatay wasiirkii Maaliyada, Afhayeenka baarlamaanka dalkaasna saameysay.

Dalka dhaca geeska Afriga ee Jabuuti ayaa 22 sanno wax kabadan waxaa Madaxweyne ka ah Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynaha ugu muddada dheer ee Soomaara Dalka Jabaauti tan iyo Xuriyaddii 27 Julaay 1977.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here