Nin Ciraaqi Ah Oo Jaceyl Dartiis U Dilay Gabar Soomaali Ah

0
445

Nin Ciraaqi Ah Oo Jaceyl Dartiis U Dilay Gabar Soomaali Ah

Faah-faahin dheeeri ah ayaa ka soo baxaysa dil Axaddii dalka Malaysiya loogu gaystay Allaha u naxariistee gabar Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar,

Waxaana soo baxaya warar kala duwan oo qaarkood sheegaya in nin u dhshay dalka Ciraaq oo qaxooti ku ah dalka Malaysiya oo ay gabadha meel ka wada shaqeynayeen uu dilka gaystay. Balse mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysiya ayaa iyaguna sheegaya in booliska dalkaas oo kiiskaan gacanta ku haya aysan bixin xog badan marka laga reebo inay u sheegeen in la qabtay ninka dilka gaystay oo uu xiran yahay isla markaana ay wadaan baaritaanno lagu oggaanayo sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen.

Amal Maxamed Siciid oo ah qunsulka Safaaradda dowladda Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi ayaa BBC-da u sheegtay in warar kale oo ay helleen ay sheegayaan in ninka gabadha dilka u gaystay uu ka dalbaday xiriir guur hase-yeeshee ay arrintaa ka diiday taa oo loo malaynayo inuu sababay falka dilka ah.

Radio Dalsan FM 91.5 MHz | Warar Sugan | Somalia News
HomeWarar
Faah Faahin:-Nin Ciraaqi Ah Oo Jaceyl Dartiis U Dilay Gabar Soomaali Ah
On Feb 15, 2022

Share
Faah-faahin dheeeri ah ayaa ka soo baxaysa dil Axaddii dalka Malaysiya loogu gaystay Allaha u naxariistee gabar Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar,

Waxaana soo baxaya warar kala duwan oo qaarkood sheegaya in nin u dhshay dalka Ciraaq oo qaxooti ku ah dalka Malaysiya oo ay gabadha meel ka wada shaqeynayeen uu dilka gaystay. Balse mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysiya ayaa iyaguna sheegaya in booliska dalkaas oo kiiskaan gacanta ku haya aysan bixin xog badan marka laga reebo inay u sheegeen in la qabtay ninka dilka gaystay oo uu xiran yahay isla markaana ay wadaan baaritaanno lagu oggaanayo sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen.

Amal Maxamed Siciid oo ah qunsulka Safaaradda dowladda Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi ayaa BBC-da u sheegtay in warar kale oo ay helleen ay sheegayaan in ninka gabadha dilka u gaystay uu ka dalbaday xiriir guur hase-yeeshee ay arrintaa ka diiday taa oo loo malaynayo inuu sababay falka dilka ah.

RELATED POSTS
Nin Lagu Eedeeyay Inuu Gubay Bogag Ka Mid Ah Qur’aanka Kariimka Oo La Dilay

Feb 15, 2022
RW Rooble Oo Dalbaday In Dib Loo Dhigo Doorashada Kursiga Uu Doonayo Fahad Yaasiin

Feb 15, 2022
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Oo Xoghaye Cusub Loo Magacaabay

Feb 15, 2022
“Xogaha kale ee aan helayno waxay sheegayeen yarkii gabadha dilay inuu xiriir ka dalbaday isla markaana uu guursanayo balse ay ka diiday markaana uu dilay oo mindi ku dhuftay, “ayay tiri Amal Maxamed Siciid.

Maydka Dahabo Cumar ayaa hadda yaalla Cusbitaal ay dowladdu leedahay waxaana madaxda safaaraddu ay xaqiijiyeen in aan la aasi doonin ilaa iyo inta laga soo gabagabeynayo baaritaannada ay wadaan boolisku. “Xog ku filan marka ay naga siiyaan ayaa aaska marxuumadda laga howlgalayaa,” ayay tiri qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysiya.

Ehelada Marxuumadda oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Soomaaliya u diray baaq, ay ku codsanayaan in caddaalad loo helo gabadhooda, waxaana sidoo kale ay sheegen in safaaradda Soomaaliya iyo jaaliyadda Somalida ee dalkaasi Malaysia looga baahan yahay in ay Dowladda ku cadaadiyaan sidii baaritaanno loogu sameyn lahaa kiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here