Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Oo Kulan Ka Yeelanaya Xaaladda Somalia

0
514

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Oo Kulan Ka Yeelanaya Xaaladda Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan gaar ah waxaa ay ka yeelanayaan Xaaladda Soomaaliya, xili dalku uu ku jiro doorasho.

Kulanka oo looga arrinsanayo Xaaladda Soomaaliya ayaa waxaa warbixin looga dhagaysan doonaa Wakiillo kala duwan oo ka kala socda Qaramada Midoobay iyo AMISOM, sida lagu sheegay Qoraal uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa warbixin ka siin doona kulanka Golaha Ammaanka, iyadoo dhinacyo dhowr ah lagu faaqidi doono warbixinta.

Sidoo kale waxaa kulankaasi qayb ka noqon doona, oo isna dhankiisa Warbixin laga dhageysan doonaa Madaxa AMISOM Francisco Madeira, iyadoo si toos ah loo daawan doono 6-da maqribnimo xilliga Muqdisho.

Qaramada Midoobay ayaa il gaara ku haysa arrimaha Soomaaliya, waxaana dalku uu haatan ku jiraa xaalad doorasho, iyadoo Qaramada midobayna ay kaalin weyn ku leedahay arrimaha doorashada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here