Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka Somaliya

0
434

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka Somaliya

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay 138 ee ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan oo la sii saadaaliyay inuu ku soo bixi doono kursigan ayaa waxaa kula qornayd gabar lagu magacaabo Naciimo Xuseen Cali oo aan saaxadda siyaasadda laga aqoon, markii dambe na u tanaasushay.

Waxaa tartanka ka haray oo Cabdiraxmaan u tanaasulay siyaasiyiin la filayay inay loolan adag kula geli doonaan kursigan, uuna kamid yahay ninka kursiga ku fadhiyay baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday ee Siciid Nuur Giriish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here