Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi Oo Shaaciyay Jadawalka Doorashada 7 Kursi

0
406

Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi Oo Shaaciyay Jadawalka Doorashada 7 Kursi

Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay Jadwalka qabashada doorashada kuraas hor leh oo kamid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, kuwaasi oo lagu doorto Muqdisho.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayey ku sheegeen inay qabanayaan doorashada 7 kursi oo Golaha Shacabka ah, isla markaana diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya kuraasta ay bilaabaneyso 15-ka bishaan Febraayo.

Guddiga doorashada ayaa shaaciyay in doorashada kuraasta tirsigoodu kala yihiin HOP#212,HOP#207,HOP#246,HOP,258,HOP#259,HOP#243 iyo HOP#206 ay ka dhaceyso 16-ka bishaan Febraayo, waxaana doorashada lagu qabanayaa Dugsiga Jeneraal Kaahiye.

Guddiga doorashada Gobolda Waqooyi ee Somaliland ayaa si dardar leh ku wada doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana haatan la doortay inta badan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here