Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta kusii jeeda Magaalada Baraawe

0
260

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta kusii jeeda Magaalada Baraawe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa oo qeyb ay ka yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa iyo Mas’uuliyiin kale oo kamid ah dowladda ayaa saacado kadib ka degi doona Garoonka diyaaradaha Baraawe, waxaana halkaas ka socota qaba-qaabada soo dhaweynta.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi la socday oo saaka ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaan dhowr iyo soddon daqiiqo kahor gaaray Baraawe, iyagoona hordhac u ah safarka Rooble.

Ujeedka socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu yahay mid uu ugu kuur galayo xaaladda Magaalada Baraawe, isagoona kormeeri doona goobaha doorashada ka dhaceyso, sdioo kalew la kulmi doona Maamulka degmada.

Ammaanka guud ee Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulka KGS ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana xusid in Magaaladaas ay kamid ah tahay Magaalooyinkaas loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here