Allaha U Naxariiste Majaajilistihii Caanka ahaa ee Ajakis oo Ku Geeriyooday Muqdisho
Waxaa Magaalada Muqdisho ee Xaruunta Dawlada faderaalka Soomaliya ku geeriyooday Allaha u naxariiste Majaajilayste Cabdi Muruudi dheere Ajakis.
Marxuumka ayaa maalmahan ku jiray mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho,halkaas oo lagu la tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun kusoo booday isagoo ku sugan xaafadiisa.