Ruushka oo ka hadlay in xiligaan Aqoonsi Caalami ah la siiyo Afgaanistaan
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sabtidii sheegay in aqoonsi dowladnimo oo Taliban la siiyaa uusan hadda miiska wada hadalka saarayn.
Wasiirka oo ka hadlayay shir jaraa’id oo dhinac socday kalfadhigii 76 -aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Lavrov wuxuu yiri: “Su’aasha ku saabsan aqoonsiga caalamiga ah ee Taalibaan xilligan xaadirka ah miiska ma saarna.”
Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay xiriir la leeyihiin Daalibaan, isla markaana ay aad muhiim u tahay inay Taliban fuliyaan ballanqaadyadooda.