RW Rooble “Kursi Waxaa Ka Qiimo Badan Dalkeenna Oo Inoo Badbaada”

0
258

RW Rooble “Kursi Waxaa Ka Qiimo Badan Dalkeenna Oo Inoo Badbaada”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi, waxaana uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan maraxaladda siyaasadeed ee dalku marayo.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si gaar ah waxaa uu ula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi, waxaana inta kulanku socday Ganacsatadu uga xog-warameen xaalada guud iyo caqabadaha heysta, waxaana ay soo jeediyeen tallooyin ku aadan sida ay u arkaan in lagu hagaajin karo, laguna xoojin karo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaana sidoo kale RW Rooble uu ka hadlay intii kulanku socday wararkii la isla dhexmarayay maal mahaan ee ku aaddanaa in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo uu khilaaf ka dhexeeyo, waxaana uu wax kama jiraan ku tilmaamay arrintaasi, isagoo shaaciyay in labadoodu ay yihiin heshiis, oo uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya.

Dhanka kale Rooble waxaa uu ka dhawaajiyay in uusan jirin xil ama kursi uu doonayo, isagoo sheegay in uu dadaal ku bixiyay sidii Siyaasiyiinta xildoonka ahi uu si daacad ah dhex-dhexaad ugu noqon lahaa, maadaama lagu wereejiyay ka shaqaynta arrimaha doorashada, iyo guud ahaan howlaha ku aaddan doorashada dalka.

“Maadaama Mas’uuliyadda doorashada la ii dhiibay, waxaa is-tusay kursigaas waa hal kursi sow maaha waxaa ka soo qaaday xabad rooti, xabadaas rootiga hadaa damco musuq musuq maasuqeeda waa damcaa, kursi waxa ka qiimo badan waa dalkeena oo noo badbaada, xaalada uu dalka soo maray haddii ay caadi aheyd 2016 ahaan laheyd waxbaa isku dayi lahaa, laakiin marka arkay xaalada dalka uu soo maray la tashina aan la sameeyay saaxibadey, waxaan go’aansaday dalka inaan u naxo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here