Wasiir Ka Tirsan Dalka Afganistan Oo Baxsaday Iyo Sababta Keentay

0
312

Wasiir Ka Tirsan Dalka Afganistan Oo Baxsaday Iyo Sababta Keentay

Wasiirkii Maaliyada ee Xil-gaarsiinta ee Afganistan, Khaalid Payenda  ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkaasi, kadib, markii uu cadaadis kala kulmay Madaxtooyada dalkaasi

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Telefishinka TOLO NEWS inuu Wasiirka Is-casilay ka cararay dalka, isagoo sheegay inuusan jeclayn inuu Afganistan dib ugu soo laabto.

Qoraal ay Wasaaradda Maaliyada ee dalkaasi soo saartay ayaa lagu sheegay inuu Wasiirku u ambabaxay booqasho rasmi, balse, lama sheegin dalka uu booqan doono.

Dhinaca kale, Qoraal uu Wasiir Khalid Payenda soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay inay sharaf weyn u tahay Noloshiisa  xilkaasi uu hayey, balse, haatan la gaaray xilligii uu muhiimadda siin lahaa Danihiisa Shaqsiyadeed.

Waxa uu intaasi ku daray in Xilka ku wareejiyey Ku-xigeenkiisa Arrimaha Dakhliga iyo Canshuuraha oo lagu magacaabo Alem Shaah Ibraahimi, kaasi oo xilka sii hayn doono inta Wasiir Cusub laga soo magacaabayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here