Xoghayaha Difaaca UK oo booqasho aan la shaacin ku yimid magaalada Muqdisho

0
719

Xoghayaha Difaaca UK oo booqasho aan la shaacin ku yimid magaalada Muqdisho

Xoghayaha Difaaca UK Gavin Williamson ayaa booqasho aan la shaacin ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaana soo dhoweeyay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Amb. David Concar.

Xoghayaha Difaaca UK Gavin Williamson ayaa la kulmay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), Taliyaha Xoogga dalka C/weli Jaamac Gorod, Taliyaha AMISOM, iyagoo ka wada hadlay arrimaha ammaanka iyo taageerida UK.

Sidoo kale Xoghayaha Difaaca UK ayaa la kulmay Madaxweyne Farmaajo oo uu ugu tagay Xarunta Madaxtooyada, halkaasoo kulan albaabada u xiran yihiin kula qaatay, kaasoo looga hadlay xiriirka labada labada dal iyo taageerida UK ee Soomaaliya.

Xoghayaha Difaaca UK ayaa sidoo kale kula kulmay Xarunta Xalane Safiirada Itoobiya, Kenya iyo Uganda ee jooga Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka Ciidamada ka jooga, waxaa laga wada hadlay taageerida AMISOM iyo qorshaha kala guurka.

UK ayaa ka mid ah dalalka taageera AMISOM, waxaana ciidamo tababarayaal ka joogaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here