Tobaneeyo Qof Oo Lagu Dilay Duqeyn Lala Beegsaday Isbitaal

0
274

Tobaneeyo Qof Oo Lagu Dilay Duqeyn Lala Beegsaday Isbitaal

Hawl-wadeeno Caafimaad iyo Bukaan ayaa lagu dilay Duqeyn Madaafiic ah oo lala eegtay Isbitaal ku yaalla Degmadda AFRIN ee Waqooyiga dalkaasi, una dhow Xuduudka Turkiga.

Ugu yaraan 13 qof oo 2 ka mid ahaayeen Shaqaalaha Caafimaadka ayaa lagu dilay Duqeymahaasi, halka 27 kalena lagu dhaawacay.

Hay’ad Maraykan oo taageero Adeeg Caafimaad siisa Xarumaha Caasfimaadka ee Deegaanada Mucaaradka ayaa sheegay in 2 Gantaal lala beegsaday Isbitaalka Al-Shifa ee ku yaalla Degmadda Afrin.

Hay’adaasi oo lagu magacaabo The Syrian American Medical Society ama loo soo gaabiyo SAMS,waxay sheegtay in Duqeymahaasi lagu burburiyey qeybaha Gargaarka Degdegga, Bukaanadda iyo Qolka ay Haweenka ku umulaan ee Isbitaalka.

Warbixinta Hay’adda waxaa lag xusay in Duqeymahajasi lagu dilay 13 qof oo 2 ka mid ahaayeen Shaqaalaha Caafimaadka iyo 2 Darewal waday Gaadiidka Ambalaasta ee Isbitaalka, laguna dhaawacay 27 qof, oo 11 ka mid ka tirsan yihjiin Shaqaalaha Isbitaalka la duqeeyey.

Dhinaca kale, Ma kala cadda Jihada sida rasmiga uga dambeysay Duqeymahaasi oo ku soo beegantay, xilli ay Ciiddanka Dowladda Syria iyo Maleeshiyadda Kurdishka ee ay Turkiga taageerto loo soo daad-gureeyey nawaaxiga Degmadda Afriin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here