Wariye Cabdiraxmaan Fantastic oo ka warbixiyay Rag Hubaysan Oo jidh dil U gaystay
Wariyaha oo sawiro uu iska qaaday isaga oo dhawac ah ay baraha bulshada ku faafeen, ayaa HOL uga waramay sida ay dhawacyadu kusoo gaadheen.
“Habeenkii Sabtidu soo galaysay salaadi cishaayi kadib ayaan guriga imid. kadibna waxan maqlay gabadh ka barooranaysa guri aanu jaarnahay, kadibna waan daalanayoo waan iska jiifsaday” ayuu Fantastic HOL u sheegay.
“Kadibna 12:00 habeenimo ayay baroortii dib u bilaabantay, xafadii ayaa isoo kicisay oo igu tidhi waar bal orod soo eeg gabadhan ooyaysa, marka waxanu maqlaynay rag gabadha u hanjabaya oo guriga gabadhu ka ooyayso ka hadlaya”.
“Kadib waxan soo qaatay bastoolad yar oo bilaa rasaas ah, waxanan wargaliyay nin aanu saxibnahay oo sarkaal ah, oo aan u sheegay dhacdada, markaan dibada usoo baxay ayaan la kulmay askari millateri ah oo meesha maraya, kadibna waxan waydiistay inuu ila soo fiiriyo guriga ay gabadhu ka ooyayso” ayuu hadalkiisa ku daray.
Wariye Fantastic ayaa sheegay in markii ay isaga iyo askarigii garaaceen albaabkii guriga ay gabadhu ka barooranaysay ay ka fureen niman hubaysan oo aan xidhnayn wax labis ciidan ah, kadibna ay jidh dileen isaga iyo askarigiiba.
“Intay na garaaceen ayay inantii oo ooyaysa qol iskugu kaaya geeyeen, marka inantu dirac kaliya ayay xidhnayd, way timo qaawanayd, bilaa kabana way ahayd”.
“Kadibna mid iyaga kamida ayaa yidhi “waar maxabiista meel layskuguma geeyo” kadibna waa nalaga saaray inantii” ayuu hadalkiisa kusii daray.
Wariye Fantastic ayaa sheegay in sarkaal kii uu markii hore ku wargaliyay dhacdada uu lasoo hadlay kadibna uu telefon ka ugu dhiibay mid kamida nimankii haystay, intaa kadibna ay goobta yimadeen Axmed Muuse Biixi iyo rag kale oo sarakiil ah.