Madaxweyne Deni Oo Maanta Hortegaya Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland

0
326

Madaxweyne Deni Oo Maanta Hortegaya Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa inuu hortego Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas oo Maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Garoowe.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa Xildhibaanada Puntland u jeedin doona khudbad uu uga hadli doono Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa khudbadiisa uga hadli doono safarkii uu ku yimid Caasimadda dalka ee Muqdisho iyo fashilka Shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ee Teendhada Afisyooni.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka ayaa waxaa xalay loo diray farriimo ku aadan in Maanta oo sabti ah uu jiro kulanka Golaha, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galkaas kulanka oo hortegayo Deni.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa Magaalada Muqdisho ka tegay, iyada oo Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada aysan wax heshiis ka gaarin khilaaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka ka dhacaya dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here