Maxaa ka jira warka Kenya kasoo yeeray ee ah in DF ay ciidan dhoobtay xuduudda?

0
348

Maxaa ka jira warka Kenya kasoo yeeray ee ah in DF ay ciidan dhoobtay xuduudda?

Guddoomiyaha degmada Beled-Xaawo, Cabdirashiid Cabdi Xasan “Caroog” ayaa markii u horeysay ka hadlay in ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya la geeyay xadka u dhow magaalada Mandheera, xili ay dowladda federaalka xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Kenya.

Guddoomiye Caroog ayaa sheegay in uusan jirin dhaq-dhaqaaq cusub oo ciidamada dowladda ka bilaabeen xadka, isagoona xusay in xaalka gobolka uu dagan yahay, isla markaana aan laga dareemeyn xiisada labada dhinac.

“Gobolku wuu daggan yahay, wuu xasilloon yahay, wax dhaqdhaqaaq ah oo ka jira ma laha, dadku way nabad qabaan, wax aan kuleyl iyo abaaro ahayn oo hadda laga cabanayana ma jiraan. Magaalada Beledxaawo amni ahaan way daggan tahay, ganacsigu wuu kala socdaa, wax xiisad ah oo la dareemayana ma jirto gabi ahaanba,” ayuu yiri Guddoomiye Caroog oo la hadlay BBC-da.

Sidoo kale waxa uu beeniyay in ciidamo dheeriya la geeyay xadka, sida ay shalay ku warameen qaar kamid ah warbaahinta Kenya oo sheegtay in xadka u dhow Mandheera ay dowladda federaalku geysay ciidamo dheeriya oo millateri ah.

“Ciidamada horay ayey u joogeen, waxayna wateen waajibaad qaran oo laga sugayo, laakiin wax hadda cusub iyo dhaqdhaqaaq milatari ma jiro. Ciidamada hadda halkan jooga aad bay ugu filan yihiin khatar kasta oo dibadda uga timaada.”

Tan iyo shalay waxa aad loo hadal hayey arrintaasi oo ay shaaciyeen qaar kamid ah warbaahinta Kenya, oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan dowladdooda, hase yeeshe uu waxba kama jiraan ku tilmaamay guddoomiye Caroog, xili aysan ka hadlin saraakiisha taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Xiisada Soomaaliya iyo Kenya ayaa kasii dartay, kadib markii ay dowladda federaalka sheegtay inay xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Kenya, maadama ay ku doodeyso inay faro-gelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here