Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Ansixiyay Ergey Cusub
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey ayaa ansixiyay soo jeedintii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe António Guterres ee eheed in Nickolay Mladenov noqdo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Liibiya.
Nikolay Mladenov ayaa bedeli doona Gassaan Salaama oo ka tegay xilkaas bishii March ee la soo dhaafay, culeys dartiis.
Bayaan ay soo saareen xubnaha Golaha Amniga ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la helo hannaan lagu kalsoonaan karo si Liibiya looga hirgeliyo xabbad joojin dhab ah.
Golaha ayaa ku baaqay mar kale in dhammaan dagaalyahanada ajaanibta ah ee jooga dalkaas inay dhaqsi uga baxaan.