Kenya oo bilowday talaabo ay kaga aargudaneyso DF & Muuse Biixi oo Nairobi ku sii jeeda

0
319

Kenya oo bilowday talaabo ay kaga aargudaneyso DF & Muuse Biixi oo Nairobi ku sii jeeda

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah booqasho ku taggo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sida ay xaqiijiyeen ilo diblomaasiyaddeed Madaxweyne Biixi iyo wafdigiisa oo uu ka mid yahay Wasiirkiisa arrimaha dibeda ayaa la kulmi doona dhiggiisa Kenya Mr. Uhurru Kenyatta

ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Muuse Biixi uu casuumaad ka helay dowladda Kenya.

Waxaa horey u jiray dhowr jeer oo Muuse Biixi uu qorsheeyay inuu booqdo Kenya balse aan suurtagalin cadaadis Kenya uga yimid dowladda dhexe ee Soomaaliya awgeed.

Balse Wararka ayaa sheegaya in talaabada Kenya ku casuuntay Muuse Biixi ay tahay mid ay kaga aar gudaneyso DF oo dhowaan Muqdisho ka ceyrisay safiirkii dalkaas ka fadhiyey, keedii Nairobi joogayna la soo baxday, taasoo la sheegay in Kenya ay si weyn uga carootay.

Sidoo kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Kenya ay qorsheyneyso iney Muuse Biixi iyo wafdigiisa ku soo dhoweyso maqaam sare oo la mid ah sida madaxda la aqoonsan yahay ee caalamka si arrintaas ay uga careysiiso Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa.

Si kastaba ahaatee somaliland ayaa la filayaa in ay jaanis halkaa ka hesho ay madax banaanidooda uga dhaadhiciyaan kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here