Al-Shabaab Oo Sheegatay In Gobolka Gedo Ay Ku Dishay Askar Itoobiyaan Ah.

0
435

Al-Shabaab Oo Sheegatay In Gobolka Gedo Ay Ku Dishay Askar Itoobiyaan Ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in saakay xili hore ay weerartay Saldhig Ciidamada Itoobiya ee ku jira howlgalka Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay in dagaalkaas ay ku dishay 6-askari oo katirsan ciidamada Itoobiya ee xerada ku sugnaa, isla markaana ay gubtay mid kamid ah Gawaarida nuuca dagaalka oo uu ku xiran yahay qoriga loo yaqaan Zuug.

Qayb kamid ah Xerada Ciidamada Itoobiyaanka ah ku leeyihiin Degmada Buurdhoobo ee Gobolka Gedo waxaa ka kacay dab la sheegay in uu ka dhashay mid kamid ah qoryahaha dagaalka la isku adeegsaday.

Ciidamada Itoobiya ayaa sameeyay Baaris ay ku tageen meelaha ka baxsan Xeradooda, waxa ay rideen rasaas xooggan oo ay isaga caabbiyeen dagaalyahannada Al-Shabaab ee Weerartay Xeradooda.

Dowladda Federaalka Itoobiya ma lahan Afhayeen toos uga hadla weerarada Askartooda fuliyaan iyo kuwa lagu qaado si loo helo khasaaraha dhankooda gaaray, dhinaca weeraray & dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here