Xukuumada Muuse Biixi Oo Shaacisay Tirada Dad Ay U Xirtay Musuq-Maasuq

0
434

Xukuumada Muuse Biixi Oo Shaacisay Tirada Dad Ay U Xirtay Musuq-MaasuqSomaliland ayaa shaaca ka qaaday inuu dad badan u xirxiray arrimo la xiriira Musuq-maasuq, kuwaasi oo qaarkood la horgeeyay Maxkamad, kadib markii lagu helay eedeeymo Musuq-maasuq.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Somaliland Axmed Yuusuf Dirir ayaa waxaa lagu sheegay in Somalıland 19 qof u xiray Musuq-maasuq, isla markaana qaar kamid ah dadkaas la horgeeyay Maxkamad, lana xukumay.

Sidoo kale Qoraalka Hanti-dhowraha ayaa waxaa lagu sheegay in qaar kamid ah 19-ka qof ee xiran weli aan la horgeyn Maxkamad, hayeeshee la horgeyn doono, si sharciga loo marsiiyo, maadaama lagu helay arrimo la xiriira Musuq-maasuq.

Somaliland ayuu Hanti-dhowraha sheegay in sanadkaan 2020 ay qaaday tallaabo kasta oo looga hortegayo Musuq-maasuqa, ayna culeyska saareen horumatinta xeerarka iyo habraacyada maaliyadeed.

Ugu dambeyn Hanti-dhowraha guud ee Somaliland Axmed Yuusuf Dirir ayaa shacabka ugu baaqay in si wadajir ah looga wada-hadlo sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga arrimaha la xiriira Musuq-maasuqa oo xiliyada qaarkood la sameeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here