Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen Odowaa oo Gaaray Gobolka Gedo

0
461

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen Odowaa oo Gaaray Gobolka Gedo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Odawaa Yuusuf Raage iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooloow ee Gobolka Gedo, halkaasi ay ku soo dhaweeyeen Sariisha Ciidanka Qalabka Sida ee gobolkaasi ku sugan iyo Maamulka Gobolka Gedo.

Talyaha ayaa waxaa mas’uuliyiintii soo dhoweysay ka mid ahaa Taliyaha Howlgalinta Guutada Gorgor Cumar Deeq, Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji Macalimuu, Madaxa Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Diini, Taliyaha Ciidamadda Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke Taliyaha Qeybta Booliska  Cabdiqaadir Biixi, Maamulka Degmada Doolow Soomaaliya iyo qaar ka mid ah sarakiisha Ciidankaa NISA ee Degmooyinka Doolow. Luuq iyo Masuuliyiin Kale.

Wafdiga Taliyaha waxaa ka mid ah Taliyaha Qeybta 43-aad ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Bogmadoow iyo Taliyaha Guutada 12-aad ciidanka xoogga dalka Jeneraal Sanka.

Ujeedka safarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ku tegay ayaa ahaa sidii uu u kormeerilahaa xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolkaasi, isla markaasna ugu kuurgeli lahaa shaqada adag ee Qaranka ay u hayaan ciidanka.

Taliyaha Ciidanka ayaa inta uu ku suganyahay Gobolka Gedo wuxuu gaari doonaa magaalooyinka Beled-Xaawo Garbahaareey iyo Luuq ee Gobolka Gedo ka tirsan.

Booqashada taliyaha ayaa waxa ay ku soo  beegantay xilli boqlaal askari diyaarado loogaga qaaday magaalada Muqdisho lana geeyay magaalada Doolow.

Lama oga ujeedka ciidamadan la geeyay markale gobolka Gedo hase yeeshee waxaa soo baxayay khilaaf markale ka dhex qarxay madaxda dowlada federalka iyo madaxda dowlad goboleedka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here