Wasiir Raali galin ka bixisay amar ay siisay shacabka dalkeeda uu jabiyay ninkeeda !!

0
395

Wasiir Raali galin ka bixisay amar ay siisay shacabka dalkeeda uu jabiyay ninkeeda !!

Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed iyo kuwa caalamka ayaa si weyn u hadal haya amar horey uga soo baxay Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koofureed Kang Kyung-wha uu jabiyay ninkeeda.

Kyung-wha, ayaa shacabka dalkeeda horey u fartay in ay ka baaqsadaan safarada aan muhiimka aheyn ee u aadayaan dalka dibadiisa si looga baaqsado qatar ku aadan cudurka safmarka ah ee Caronavirus.

Lee Yill-byung, oo ah Ninka ay u dhaxdo wasiirka ayaa sabtidii lagu arkay garoonka Diyaaradaha Incheon, waxaana ninkan kusii jeeday dalka Mareykanka oo la sheegay in uu kasoo iibsanayo markab nuuca raaxada ah.

“Coronavirus kuma dhammaan doono maalin ama labo maalin gudahood. Guriga iskama fadhin kartid maalin walba, marka sidaan qabo, si caadi ah ayaad isaga noolaan kartaa adiga oo taxadaraya,” ayuu yiri Lee.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koofureed Kang Kyung-wha ayaa raalligelin ka bixisay in ninkeeda uu jabiyay talooyinkii dhinaca safarka ,waxa ayna sheegtay in ay ku adagtahay in ninkeweda u sheegto in safarka kasoo laabto.

“Waan ka xumahay in tani ay dhacday xilli ay dadku iska deynayaan safarrada dibadda,wuxuu safarka qorsheeyay muddo dheer kahor, dhowr jeer ayuuna dib u dhigay, sidaas darteed way igu adag tahay inaan u sheego inuu soo laabto.”ayey tiri Kang.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here