Maxkamadeynta Nin Masaajid New Zeeland Ku Laayay Muslimiin Badan Oo Bilaabatay

0
352

Maxkamadeynta Nin Masaajid New Zeeland Ku Laayay Muslimiin Badan Oo Bilaabatay

Cunsuriga caddaanka ahaa ee u dhashay dalka Australia oo 51 qof muslimiin ah ku dilay laba masaajid oo ku yaalla New Zealand wuxuu damacsanaa inuu masaajid seddexaadna uu weeraro, maxkamadda ayaana maanta billowday dhageysiga xukunka ninkaasi lagu ridayo oo soconaya afar maalmood oo xiriir ah.

Tarrant ayaa lagu soo dacweeyey inuu dilay 51 qof, iskuday dil uu damacsanaa inuu 40 qof oo kale u geysto iyo dacwad fal argagixisanimo. Waa marki ugu horreysay oo qorshaha uu ninkaasi damacsanaa maxkamadda lagu soo bandhigo.

Tarrant oo 29 jir ah ayaa wajahi doono xukun xabsi daa’im ah, xukunkaasi oo noqonaya mid aan New Zealand horay uga dhicin.

Dhageysiga xukunka maxkamadda ayaa maanta oo Isniin ah ka billaabmay maxkamad ku taallo Christcurch oo ah magaalada uu weerarka ka dhacay March 2019.

Xayiraadaha ka dhashay Covid-19 awgii maxkamadda ayaa noqon doonto mid ay dad badan joogin.

Garsoore Barnaby Hawes maanta oo Isniin ah wuxuu sheegay Tarrant weerarkaasi sanad ka hor inuu qorsheynayey, wuxuuna intaa ku daray ujeeddadiisu iney ahayd “tirada dad ee ugu badan halkaasi inuu ku dilo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here