Muhaajiriin Badan Oo Soomaali Ku Jirto Oo Gaaray Dalka Ingiriiska

0
413

Muhaajiriin Badan Oo Soomaali Ku Jirto Oo Gaaray Dalka Ingiriiska

Muhaajiriin farabadan oo ay ku jirto Soomaali ayaa gaaray dalka Ingiriiska, kuwaasi oo la shaaciyay inay si sharci darro ah halkaas ku galeen, sida qortay Wakaalladda Wararka ee the Press Association ee ka hawlgasha Britain iyo Ireland.

Muhaajiritaan oo tiradoodu gaareysa 5,000 ayaa Ingiriiska ku gaaray doonyo nooca Cinjirka ah, waxaana maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka Xuduudaha Britain ay gacanta ku dhigeen Muhaajiriin ka soo kala jeeda dalalka kala duwan, kuwaasi oo kala ah:

Somalia, Sudan, South Sudan, Ethiopia, Eritrea, Yemen, Masar, Libiya, Iraq, Iran, Syria, Kuwait, Turkish, Gini, Mali, Nigeria, Chad, Togo, Pakistan, Tajakistan, Vietnam, Albania iyo Shiinaha.

Sidoo kale Wakaaladda the Press Association ayaa daabacday in Dowladda Ingiriiska ay diyaarado dagaal u dirtay Kanaalka lagu magacaabo The English Channel, iyagoo taageero siinaya Ciidanka Xuduudaha, si looga hortego qulqulka Muhaajiriinta ee dalkaas.

Si kastaba Muhaajiriinta doonyaha ee sida sharci-darada ugu galaya dalka Britain ayaa sii kordhaya, waxaana la sheeayaa in laga cabsi qabo in Muhaajiriinta gaareysa dalkaas ay tiradoodu gaarto 7,600 oo Muhaajiriin ah marka la gaaro Ciida Masiixiga ee 2020-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here