Muqdisho: Qarax Miino oo saaka lala eegtay gaari uu la socday Guddoomiye degmo

0
436

Muqdisho: Qarax Miino oo saaka lala eegtay gaari uu la socday Guddoomiye degmo

Qarax miino ayaa saaka ka dhacay agagaarka Isgoyska Wadada Kalluunka ee degmada C/casiis, una dhow garoonka Kubadda cagta ee Eng. Yariisow ee degmada C/casiis.

Qaraxa oo ahaa mid jugtiisa aad u xoogganaa ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada, waxaana lala eegtay Gaari uu la socday Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muuse Geesey.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha uu ka badbaaday qaraxa, balse ay jiraan dad rayid ah oo ku waxyeeloobay.

Qaraxyada miino ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka uu maalmihii u dambeeyay uu faraha ka baxayay.

Todobaadki hore ayay aheyd markii qarax ismiidaamin lagu weeraray Hotelka Elite, iyadoo kaddib dabley hubeysan ay gudaha u galeen, muddo saacado ka dagaalamayeen, waxaana weerarkaas ku dhintay dad ku dhow 20 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here