Koonfur Galbeed Oo Toogatay Rag Geystay Fal Kufsi Ah

0
421

Koonfur Galbeed Oo Toogatay Rag Geystay Fal Kufsi Ah

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo tallaado ah waxaa halkaas lagu toogtay laba Nin oo lagu eedeeyay in fal kufsi ah ay ka geysteen gudaha Magaaladaas.

Raggaan la toogtay ayaa waxaa la sheegay inay qirteen in ay ka dambeeyeen falka kufsiga ah, isla markaana markii dambe Go’aan lagu gaaray in lagu fuliyo dil toogasho ah, iyagoo aan Maxkamad la horgeyn.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ragga oo laba ah ay fal kufsiga ah u geysteen wiilal yar-yar oo kamid ahaa dadka deegaanka Baydhabo, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in wiilasha mid kamid ah uu geeriyooday.

Dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa Maanta aad u hadal haaya dhacdadaan lagu toogtay ragga kufsiga geystay, waxaana dadka qaar oo la soo weriyay inay ku faraxsan yihiin sida loo fuliyay toogashada, sidoo kalena ay dalbadeen in falalkaas wax laga qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here