DEG DEG : Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

0
445

DEG DEG : Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

Qaraxaan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu daqiiqado kahor uu ka dhacay meel u dhow Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ah la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in qaraxaas miinada ah la dhigay Isbitaalkii hore ee DEVA ee ku yaalla agagaarka Isgoyska Tarabuunka.

Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxaas lala eegtay gaari nooca aan xabada karin ee loo yaqaano Bullet-proof, iyadoo weli aan si rasmi ah loo caddeyn cida la socotay gaarigaas.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in hal qof oo ah Darawal Mooto Bajaajle ahaa uu ku dhaawacmay, kaasi oo si Deg-deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad oo ku taalla Caasimadda.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn ayaa gaaray goobta, iyagoo aaga xiray, sidoo kalena halkaas ka wada baaritaano kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here